Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in 30-ka November uu qorshuhu yahay in la qabto doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in guddigu wadaan diyaar garow xooggan oo ku aaddan qabsoomidda doorashadaas, taas oo noqon doonta mid muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.


