Wararkii u dambeeyay duqeymaha Israel u garaacday Iiraan

0
13

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wakaaladda wararka ee Tasnim ee dalka Iran ayaa sheegtay in lix saynisyahanno nukliyeer ah lagu dilay weerarro cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil.

Saynisyahannadan la dilay ayaa lagu kala magacaaba Abdulhamid Minouchehr, Ahmadreza Zolfaghari, Seyyed Amirhossein Faqhi, Motlabizadeh, Mohammad Mehdi Tehranchi iyo Fereydoun Abbasi.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee Tasnim, gaar ahaan X (hore Twitter), ayaa lagu sheegay in weerarradan ay caddeynayaan sida dagaalka uga go’an yahay Israel.

Dhinaca Iiraan, waxaa ay qaaday weerar celin, iyada oo sheegtay in kabadan 200 oo gantaal ay ku garaacday gudaha Israel. Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Mareykanka wuxuu iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay weerarkaan Israel ee khasaaraha kala duwan dhaliyay.

Xiisadda Iiraan iyo Israel ayaa weli kacsan, waxaana dunida ku baaqeysa in labada dhinac is dajiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here