Wararkii ugu dambeeyey ee dabka Los Angeles.

0
66

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Dab ballaaran oo ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida.

Magaalada Los Angeles, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo in ka badan 10,000 dhisme la sheegay inay ku gubteen, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

“Wax walba waan waayay. Gurigaygii waa gubtay, waxna igama harin,” ayay tiri Hester Callul, oo ku jirtay goob barakac ah kadib markii ay ka qaxday gurigeeda oo ku yaallay xaafadda Altadena.

Dabka ayaa laga daminayay meelo badan iyadoo la adeegsanayo diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suuragashay kaddib markii dabeylaha yaraadeen. War ka soo baxay xafiiska baaraha dhimashada ee Los Angeles County ayaa lagu sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 10.

Iyadoo dhacdooyin boob ah lagu soo warramay, ayaa lagu soo rogay bandow habeenimo, halka Ciidamada Qaranka ee gobolka lagu howlgeliyay inay roondeeyaan goobaha dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in ciidamadaas ay qayb ka yihiin in ka badan kun shaqaale dowladeed ah oo loo daabulay aagga dabka.

“Wax walba ayaan adeegsanaynaa -– oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka -– si aan u ilaalino bulshada maalmaha soo socda,” ayuu yiri.

“Ciddii isku dayda inay ka faa’iideysato xaafadaha la barakiciyay, waxaan u sheegayaa si cad: boob ma aqbali doonno.”

Sarkaalka ugu sarreeya booliska Los Angeles County, Robert Luna, ayaa sheegay in booliiskiisa ay si dhow u ilaaliyayaan goobaha barakaca, isla markaana la xirayo cid kasta oo aan u fasaxnayn inay halkaas joogto.

Dabka ayaa illaa hadda ku baahay dhul dhan in ka badan 14,160 hektar, gudaha Los Angeles, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka.

Maaddaama aaggan ballaaran uu gubtay, dadka barakacay ayaa ka walaacsan in aanan si ku filan loo qaban shaqada gurmadka, taasi oo keentay in qaarkood ay isku dayaan inay gacmahooda wax ku qabsadaan.

Nicholas Norman ayaa hubkiisa qaatay kaddib markii uu arkey dad shaki leh oo xaafadda dhex marayay xilli habeen ah.

“Waxaan sameeyay waxa America caanka ku tahay: waxaan qaatay qorigayga, banaanka ayaan fariistay, waxaanan shiday nal si ay u ogaadaan in dad joogaan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here