Warbiixn=Maalinta Caalamiga ee Dalxiiska aduunka– 27-ka September oo maanta dunida laga Xusayo.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maalinta Caalamiga ah ee Dalxiiska waxaa markii ugu horreysay si rasmi ah loo xusay sanadkii 1980-kii. Taariikhda maalintan waxay dib ugu laabaneysaa 27-kii Sebtembar 1970, markaas oo la ansixiyay xeerarkii dhidibada u taagay Ururka Dalxiiska Adduunka (UNWTO).

Dalxiisku waa dhaq-dhaqaaq ay dadku ugu safraan dalal ama deegaano ka baxsan nolol maalmeedkooda caadiga ah, si ay u helaan nasasho, aqoon, iyo madadaalo.

Wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa kor u qaadista dhaqaalaha, is-dhexgalka dhaqamada, iyo xoojinta nabadda caalamiga ah.

Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraadka dalxiiska, sida xeebaha dhaadheer ee quruxda badan, taariikh fac weyn leh, iyo dhaqammo kala duwan oo soo jiidasho leh.

Warbixintaan  waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here