Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Maanta oo kale ayaa dunida laga xusaa Maalinta caalamig ah ee cuntada aduunka 16-ka October waxaana xuska maalintaan soo bilowday maalintii la aas aasay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha sanadkii 1945-tii, waxaana maalintan si weyn u xusay hay’ado kale oo badan oo daneeya gaajada iyo sugnaanta cuntada oo ay ka mid yihiin Barnaamijka Cunnada Adduunka.
Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha.
WFP waxay ku heshay abaal marinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2020 dadaalkooda la dagaalanka gaajada, ka qayb qaadashada nabada goobaha colaadaha, iyo inay door hormuud ah ka ciyaareen joojinta isticmaalka gaajada oo ah hubka dagaalka iyo colaadaha.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor