Warbixin:Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Reer Miyiga-15 Oktoobar oo maanta dunida laga xusayo.

0
90

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Reer Miyiga ah ayaa 15 Oktoobar sannad walba dunida laga xusaa waxaana maalintan si rasmi ah uu ugu dhawaaqay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 2007.

Maalintan ayaa loo aas aasay in lagu qiro waxtarka muhiimka ah ee haweenka reer miyigu ay u hayaan bulshadooda iyo dhaqaalaha caalamka, isla markaana loogu dabaaldego doorka muhiimka ah ee haweenka reer miyigu ka ciyaaraan beeraha, wax soo saarka cuntada iyo horumarinta reer miyiga.

Warbixintan waxaa faah faahineysa:Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here