Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dhaqashada xoolaha ayaa ah laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool miyiga iyo dhul-daaqsimeedka.
Xooluhu waa hantida ugu weyn ee ay haystaan beeraleyda iyo reer guuraaga, waana isha ugu muhiimsan ee ay ka helaan cunto, dhaqaale, iyo nolol maalmeedkooda.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqashada xoolaha Soomaaliya waxaa hor taagan caqabado badan oo saameeya wax-soo-saarka, nolosha xoolaha, iyo tan dadka dhaqda.
Warbixintaan waxaa soo jeedineysa: Abdifitah Mohamed Ahmed