Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirada wasaaradaha waxbarashada aasiirka wasaarad beeraha iyo waraabka wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa wasiir dowlaha wasaarada tamarta iyo khayraad biyaha gudoomiye kuxigeenka maamulka caasimada Galmudug ayaa waxa ay deegaanka kaluun dacar uga qayb galeen war biyood ay deegaanka ka hirgalisay wasaarada tamarta iyo khayraad biyaha wartaan ayaa waxaa siwajir ah loogu wareejiyay dadka deegaanka iyagoona kula dardaarmay in ay ilaaliyaan war biyoodda ayaa waxaa lagu dhisay mashruuca barwaaqo oo ay kumidaysan yihiin shan wasaaradood
Ugu horayn ayaa waxaa kahadlay wareejinta war biyoodda wasiir dowlaha wasaarada tamarta iyo khayraad biyaha shariif maxamuud cali iyo wasiirka Wasaaradda beeraha iyo waraabka Galmudug Axmed cismaan xaaji Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada galmudug maxamed xaashi dhoore iyo wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Shariif Cabdinur Barre ayaa dadka deegaanka ubalan qaaday in ay wax kaqab doonaan Waxbarashada iyo xannaanada xoolaha.
Warkan waxaa faah faahinaya:Liban Mohaned Abdi