Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Aqoon-yahan Abdirisakh Mohamed Cilmi iyo wariye Mohamed Abdi Mohamed ayaa xili ay marti ku ahayeen Barnaamijka Maamul Wanaag ee Radio Daar-Dheer waxa ay ugu baaqay wariyeyaasha Galmudug inay bartaan shuruucda dalka si ay uga hortagaan caburinta iyo cadaadiska saxaafadda.
Aqoon-yahan Abdirisakh Mohamed Cilmi ayaa sheegay in aqoonta sharciga ay wariyeyaasha ka caawin karto inay si geesinimo leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo ka fogaada cabsi iyo xadgudubyo uga iman kara dhinacyada kala duwan.
Dhankiisa, wariye Mohamed Abdi Mohamed ayaa wariyeyaasha kula dardaarmay inay midoobaan oo si wadajir ah uga shaqeeyaan difaaca xuquuqdooda.
warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaya:Ahmed Mohamed Jamac