Wasaarada Maaliyada Galmudug oo dhuusamareeb ka furay tababar ku saabsan la-dagaalanka lacagaha sharci darrada ah

0
40

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaarada Maaliyada Galmudug ayaa qabatay Kulan wadatashi bulsho ah oo bulshada qay-baheedda oga qeyb qaadanayaan dajinta Miisaniyada Dowlada si ay ugu biiriyaan Fikirkooda iyo talooyinkooda diyaarinta Miisaniyada.

Kulanka waxaa furay Wasiir dowlaha Wasaarada Maaliyada Galmudug Abdirizak Mohamud Jaamac oo uu Wehliyo agaasimaha guud Wasaarada Maaliyada Galmudug Abukar Muhudin Ali ayaa bulshada la wadaagay Muhiimada Miisaniyasa Dowlada Galmudug Sido kale Waxaa kaso qeyb galay Agaasimyaal, Madax qeybedyo,Ururada bulshada iyo Bahda Waxbarashada.

Kulanka Waxaa qabtay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada Mohamud Ibrahim iyo Lataliyaha Wasaarada Maaliyada Ee Maamulka dadweynaha (PFM) Abdulahi Hassan ayagoo u sharaxay bulshada heerarka ay mareyso diyaarinta Miisanoyada iyo in bulshada laga rabo inay ku daraan Fikirkooda Miisaaniyada 2025.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here