Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Aqoon isweydarsi lagu Qiimeynayo Awooda dowlada ee la tacaalida xaladaha adag, ayaa lagu qabtay magaalada dhusamareeb Aqoon isweydarsigaan waxaa Soo Qabanqaabiyay Wasaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda Galmudug oo kashaneysa World Bank iyo Wave Consultant.
Waxaana qayb ka ahaa Wasaraddaha ka shaqeya u Adkeysiga xaaladaha adag ( Resilience)
Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Mudane Abdullahi Omar adan ayaa Kulanka Furitaankisa ka sheegay in kulankaan muhiimadiisu tahay U kuur galida Baahiyaha Wasaraddaha ka shaqeya U adkeysiga xaaladaha adag (Resilience)
Sida Baahiyaha xaga Shaqalaha, Xafiisyada, Sharciyada iyo waxii la mid ah.
Warkan waxaa faah faahinaya:-Abdulahi Abdulkhadir Nor