Kulan looga hadlayo ammaanka oo lagu qabaty degmada Hobyo

0
24

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa degmada hobyo lagu qabtay kulanka amniga degmada Hobyo oo uu shir gadoomiyey wasiirka amniga Galmudug ayna kaqayb galeen guddoomiyaha Gobolka mudug,guddoomiyaha degmada Hobyo, gudoomiye kuxigeenka degmada, taliska saldhiga degmada iyo taliska nabadsugid Galmudug.

Shirka oo xooga lagu saaray amniga guud ee degmada ayaa waxaa laga soo saaray
1.In siguud ay uwadahawl galaan booliska degmada iyo taliska nabadsugida Galmudug.

2.in la adkeeyo awaamiirtii maamulka dowlada hoose ee degmada Hobyo lana xiriirtay in dhul degmada ogayn aan ladhisikarin,lacamadaynkarin iyo in aan lakala iibsankarin.

3.in lakordhiyo ladagaalanka khawaarijta siguudna loola socdo xaalada magaalada.

4.in magaalada aan lagu qaadan karin laguna haysan karin hub aan
ahayn kan amniga lagu sugayo.

5.in la ilaaliyo dhulka danta guud looguna talagalay dakada dadka kuhawlan boobka dhulkaasna ay ka waantoobaan.

6.Gaadiidka kasoo daga dakadda magaalada kama bixikaro iyadoon loodhamaystirin waraaqaha aqoonsiga gaadiidka lana xaqiijiyo meesha loowado iyo cida wadata.

7.in gadiidka dagaalka ee cabdibilaha looyqaan aan lala soodagi karin ayadoon aan loodhamaystirin amarkii wasaarada amniga iyo midka maaliyada.

8.gaadiidka magaalada lagu wato looma ogola inay isticmaalaan muraayadaha madow(beensalka).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here