Wasaaradda Ariimaha Gudaha Galmudug oo shaacisay shuruudaha kamid noqoshada golaha deegaanka Cadaado.

0
34

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Ayadoo ay heer Gabo gabo ah uu marayo Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Cadaado ee gobolka galgaduud ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Galmufug waxa ay bulshada ku nool magaalada Cadaado la wadaagaytay Shuruudaha Kamid Noqoshada Golaha Deegaanka Degmada.
Wasaaradda arrimaha Gudaha,Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug ayaa qoral lagu baahiyey boggeeda Facebook ku sheegtay jadwalka dhismaha Golaha degaanka Degmadaasi.
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa jadwalka ku sheegtay in diiwaangelinta eragada dooranaysa xubnaha goloha deegaanka ay bilaabanayso 27 illaa 30 bisha jullay halka tabarbarka ergada la bilaabayo 31 jully.

Diiwaangelinta musharaxiinta doorashada iyo diyaargarowga doorashada goloha deegaanka waxa ay bilaabanaysaa -da1 illa 4-ta bisha  Augosto sida qoraalka lagu sheegay
Sidoo kale Doorashada xubnaha golaha deegaanka, dhaarinta xubnaha iyo diiwaangelinta musharxiinta godoomiha iyo ku/geenka golahana la qabanayo 6-da illa 9-ka bisha ausgto ee foodda nagu soo haysa.

Hadaljeedinta musharaciinta iyo doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenka golaha deegankana ay dhacayso 10 Augusto sida lagu shaaciyey jadwalka ay soo saartay wasaraada arrimaha gudaha iyo federlka iyo dib u heshiisiinta galmudug.

Waxaa Warbixintan inoo Soo jeedinaya Hamdi Dirie Ali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here