Wasaaradda arimaha gudaa Galmudug oo xilalka u kala wareejisay guddoomiyaasha degmada Wisil.

0
23

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad xil wareejin ah oo si rasmi ah loogu kala wareegayay xilka Guddoomiyaha degmada Wisil. Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta degmada, waxaana kasoo qeyb galay wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xil-wareejinta ayaa u dhaxeysay guddoomiyihii hore ee degmada Wisil iyo guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay xilkaas. Mas’uuliyiinta ka hadlay madasha ayaa u mahadceliyay guddoomiyihii hore doorkii uu ka qaatay horumarinta degmada, iyagoo guddoomiyaha cusubna ku dhiirrigeliyay inuu sii amba-qaado howlaha dowladda hoose iyo adeegyada bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here