Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiinta Dowladda Galmudug ayaa magaalada Caabudwaaq ka furtay tababar muhiim ah oo lagu horumarinayo ka qaybgalka dhalinyarada iyo wacyigelinta ku saabsan ilaalinta deegaanka.
Tababarkan oo ay ka qaybgalayaan dhalinyaro ka kala yimid deegaanno badan ayaa lagu baranayaa sida dhalinyaradu uga qayb qaadan karaan kobcinta horumarka bulshada, nabadda, iyo badbaadinta deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi