Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo ku guuleysatey nabadeynta Beelo wada-daga gobolka Galgaduud

0
65

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)–Wasaarada Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku soo gabagabeysay Deegaanka Balihowd oo hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud shir dib-u-heshiineed oo socday maalmihii la soo dhaafay.

Shirkaan dib-u-heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa u dhaxeeyey dadka walaalaha ee Halkaas wada Daga, wuxuuna ahaa shir Nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiineed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaanadaas.

Warkan waxaa soo jeedinaya Wariye:=Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here