Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib uheshiisiinta dowlada Galmudug mudane Omar Abdi Mohamed”Omar Gure” ayaana soo xiray tababarkaan aqoon kororsiga oo ay soqaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib uheshiisiinta dowlada Galmudug ayna kaqaygaleen mudadii uusocday madaxda sare ee Degmada,xubnaha golaha deegaanka iyo shaqaalaha dowlada hoose.
Munaasabada xirtaanka tababarka ayaa waxaa kahadlay xubno kamida golaha deegaanka waxayna wasaarada arimaha gudaha,federaaalka iyo dib uheshiisiinta dowlada Galmudug kaga mahadceliyeen tababarka lasiiyay oo waxbadan kabadali doona howlaha shaqo ee horyaal golaha.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali