Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug ayaa ka daahfurtay magaalada Dhuusamarreeb caasimadda Galmudug, Shirka Saddex Biloodlaha ah ee Isku-xirka Mashaariicda Caafimaadka.
Shirkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha caafimaadka iyo daneeyeyaasha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka deegaanada Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.