Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Dhuusamareeb ka daahfurtay shirka iskuxirka mashaariicda caafimaadka.

0
40
Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa  si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, Shirka Saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.
Shirkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa horumarada laga gaaray adeeg bixinta Caafimaad ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay Caqabadaha jira iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira dhamaan degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Galmudug.
Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay kudhawaad 20 Hay’adood oo ka shaqeeya adeegyada Caafimaadka, Nafaqaynta iyo Fayadhowrka kuwaas oo ka howlgala guud ahaan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here