Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo Dhuusamareeb ka furtey taba-bar shaqaalaha xarumaha caafimaadka

0
17

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furtay tababar gaar ah oo socon doona muddo isbuuc ah, kaasoo lagu barayo habka casriga ah ee Kangaroo Mother Care (KMC). Tababarkan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu koriyo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha hooyada iyo dhallaanka.

In ka badan 30 xirfadle caafimaad ah oo ka kala yimid degmooyinka Galmudug ayaa ka qeybgalaya barnaamijkan.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here