Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Maryan Mohamed Hussein, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay mashruuca qaliinnada carruurta ku dhalata wadna daloolka. Mashruucan waxaa fulinaya Hay’adda Bisha Cas, iyadoo ay goobta ka hadleen Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Carruurta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Bisha Cas.
Dr. Maryan Mohamed, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruucani uu aad muhiim ugu yahay dalka, maadaama carruur badan ku dhashaan cudurka wadna daloolka, loona baahan yahay in daweyn tayo leh loo sameeyo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor