Wasaaradda Caafimdka Galmudug oo Dhuusamareeb ka daah-furtay talaalka cudurrada oof-wareenka iyo Shubanka.

0
23

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Galmudug ayaa si rasmi ah uga daah-furtay magaalada Dhuusamareeb olole talaal oo ballaaran, kaasi oo loogu talagalay ka hortagga cudurrada halista ah ee Oof-wareenka, Shubanka, Jadeecada iyo talaalka isku dhafan ee Oofwareenka iyo Jadeecada.

Ololahaan ayaa ah mid muhiim u ah caafimaadka guud ee bulshada, gaar ahaan carruurta, waxaana lagu beegay waqti muhiim ah oo cudurradaasi ay si sahlan ugu faa’faan deegaanka. Talaalku wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka ka wadaan si loo yareeyo halista cudurrada laga hortagi karo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadlay furitaanka ololaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in waalidiinta iyo dhammaan bulshada deegaanku ay si buuxda uga qeyb qaataan ololaha, iyagoo carruurtooda keenaya goobaha talaalka loogu talagalay.

Warkaan waxaa soo jeedinaySa: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here