Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Galmudug Daahir Cusmaan Nuur ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray barnaamij qayb ka ah Soomaaliyada cagaaran oo madaxwaynaha DFS oo hore u daahfuray.
Agaasimuhu waxaa uu sheegay in magaalooyinka waawaynee Galmudug ay wasaaraddu ku beeri doonto dhir gaaraysa kun geed si sare loogu qaado bilicda magaalooyinka.
Warbixinta waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali