Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Galmudug ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan xaaladda deegaanka iyo dadaallada socda ee lagu ilaalinayo deegaanada maamulka Galamudug
Warbixinta ayaa lagu sheegay in deegaanada Galmudug ay wajahayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhir-jaris baahsan, nabaad-guur, iyo saameyn ka dhalatay isbedelka cimilada, taasoo si gaar ah u saamaysay dadka ku nool miyiga iyo xoolo-dhaqatada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi