Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta Muqdisho ka furtay shir muhiim ah oo looga hadlayo ka hortagga isbeddelka cimilada. Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda dowlad goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah, iyo khubaro ka socota dhinacyada kala duwan ee cimilada.
Ujeedada shirkan ayaa ah in lagu wacyigeliyo dadka iyo hay’adaha dowladda si loo fahmo saameynta isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka looga hortagi karo.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor