Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin ku saabsan xilliga bad-xiranka oo sanad kasta ka bilaabma Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Digniinta ayaa lagu sheegay in laga bilaabo horraanta bisha Juun ay dhacaan roobab mahiigaan ah iyo dabaylo xooggan oo waxyeello gaarsiin kara doomaha kalluumeysiga, maraakiibta ganacsiga iyo dadka isticmaala xeebaha.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor