Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa tababar muhiim ah u qabatay howl-wadeenada wasaaradda, kaasoo lagu kordhinayo xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira maamulka iyo kormeerka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga.
Tababarkan ayaa diiradda saaraya kor u qaadista awoodda shaqaalaha wasaaradda si ay si hufan ugu fuliyaan waajibaadkooda.
Ujeedada tababarkan ayaa ah in shaqaalaha wasaaradda ay helaan aqoon dheeraad ah iyo tababarro casri ah oo ku saabsan maamulka kheyraadka badda, ilaalinta deegaanka, iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha buluuga ee Jubbaland sida u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud abdi ahmed.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor