Kulankan oo looga hadlayay bedqabka deegaanka iyo bulshada, waxaana shirka lagu casuumay Agaasimahaayasha qaar kamid ah wasaaradaha Galmudug, aqoon-yahanno iyo xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka. Waxaana intuu kulanku socday lagu wadaagay talooyin ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa ilaalinta Bed-qabka deegaanka iyo bulshada si loo ilaaliyo sumcadda qofka. Abdishakur Ciise Albadri oo ah madaxa qaybta Badbaadada bulshada iyo Deegaanka ayaa ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay kulanka.
Dhanka kale Agaasimayaasha wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka Galmudug oo shirka hadallo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Barnaamijkan uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta deegaanka sidoo kalena ay ka faa’iidaysteen qaar kamid ah shaqaalaha wasaaraduhu.
Ku simaha agaasiamaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Galmudug Abdiasis Maxamed Cumar ayaa gaba-gabadii shirka ka hadlay waxyabaaha la doonayo inay kazoo baxaan shirkan.
Shirkan wada tashiga ah ee wasaaradda Maaliyadda Galmudug u qabatay Hay’adaha Dowladda qaarkood iyo Ururrada Bulshada rayidka ayaa qayb ka ah Mashruuca RCRF oo ay maamulayso Wasaaraddu kaas oo la doonayo in sare loogu qaado wacyiga bulshada ee Ilaalinta Bulshada iyo deegaanka.
Warbixintan waxaa soo jeedineya Abdidahir Garad Ali