Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo tababar ku saabsan dhaqan-gelinta xeerka anshaxa shaqaalaaha u qabatey shaqaalaha dowlad goboleedka Galmudug.

0
29

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Tababbarkan oo ay fulinaysay wasaaradda Maaliyadda Galmudug waxa uu qayb ka ahaa Mashruuca RCRF iyadoo ujeedkiisu ahaa sare u qaadidda fahamka bad-qabka Bulshada iyo Deegaanka oo amshruucan qayb ka ah.
Tababbarkan waxaa loo qabtay Shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha Galmudug waxaa shaqaalaha lasiiyay casharro ku saabsan fahamka qaybta Bedqabka bulshada iyo deegaanka sida hababka xallinta cabashooyinka, Xeerka anshaxa shaqaalaha iyo ka hortagga xadgudubyada jinsiga.Abdishakur Isse Albadri oo kamid ah madaxda Mashruucan wasaaradda u qabailsan ayaa ugu horrayn sharaxaad ka bixiyay Tababarka manta loo qabtay shaqaalaha.
Abdiqani Maxamed cartan iyo Abdixakiin Maxamed Diiriye oo ka kala socdayu wasaaradaha Caafimaadka iyo waxbarashada Galmudug oo goobta tababarka hadal kooban ka jeediyay ayaa ka hadlay sida mashruucan uu u taageero adeegyada Wasaaradaha Galmudug.
Cabdicasiis Maxamed Saylac oo ah agaasiamha Shaqaalaha ee wasaarada Maaliyadda Galmudug ahna kusimaha agaasiamaha Guud ayaa ugu dambayn ka hadlay ahmiyadda uu mashruucan u leeyahay shaqaalaha Galmudug.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdidaahir Garaad Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here