Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Jubbaland Nuur Cumar Shaale ayaa sheegay in koror muuqda lagu arkay dakhliga gudaha ee Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay mid ka dhalatay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka maaliyadeed ee dowlad goboleedka.
Agaasimaha ayaa sheegay in kororka dakhliga uu ka yimid habsami u socodka uruurinta canshuuraha iyo maamulka maaliyadda oo la casriyeeyay, taas oo keentay in dakhliga gudaha uu si joogto ah u kordho bilihii la soo dhaafay.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf


