Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug ayaa magalada Dhuusamareeb ku qabatay shirka 3-Billeha ah ee Guddi-Dowladeedka Xalka Waara ee Galmudug oo ay ku mideysan yihiin 14 hay’adood oo dowlada ah
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta Mudane Abdullahi Omer Aden ayaa Furay shirka ayaa ka hadlay ahmiyada xalka waara ee Galmudug waxa horutanbinta leh ee guddiga horyaala iyo ahmiyada laga rabo in ay xaqiijayaan.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Ibrahim Abdulkadir ayaa dhankiisa sheegay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah wasaaradaha iyo hay’adaha ku mideysan Guddi-Dowladeedka uga qeyb qaatan sidii xal waara loo gaarsiin laha dadka barakacayaasha ku nool Galmudug.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor