Wasaaradda Qorsheynta oo Furtay Shir Lagu Dardargelinayo Dib-u-habaynta Dowladda

0
77

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furtay shir qaran oo diiradda lagu saarayo falanqeynta hanaanka wadashaqeynta ee tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Shirkan oo si rasmi ah uga socdo caasimadda ayaa waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada, hay’ado caalami ah iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ah sidii loo dardargelin lahaa dadaallada dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, loo xoojin lahaa hufnaanta maamulka, islamarkaana loo xaqiijin lahaa adeeg dowladeed oo waxtar leh oo si hufan ugu adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

Warkaan waxaa soo jeedinaysa: Sacdiya Abdulkaadir yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here