Wasaaradda qorsheynta XFS iyo kuwa dowlad goboleedyada oo shir uga furmay magaalada muqdisho .

0
63

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka daahfurka dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad (2020 – 2024), oo ay kasoo qeybgaleen Golaha Horumarinta Qaranka.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa saameyn weyn ku leh jiheynta iyo kala horraysiinta hindise-yaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow iyo kuwa fog ee Soomaaliya, waxaana fulintiisa kormeera Golaha Horumarinta Qaranka oo ka kooban Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here