Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug , Masuuliyiin ka tirsan maamulka Guriceel iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda IRC ayaa xariga ka jaray Ceelal-biyoodyo laga hirgeliyay deegaano hoosyimaada degmada Guriceel ee gobolka galgaduud
Waxa ayna kormeer indha indhay ah ka sameeyeen meelaha hey’adda IRC
Ka hirgalisa ceel biyoodyadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Ibrahim Abdulkaadir Mahomed ayaa sheegay in wasarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay dardar galiso adeegyada ku aadan dhanka biyaha
Warkan waxaa faah faahineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf