Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo ay soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee dalka.
wasiirka wasaarada waxbarashada XFS Mudane Farax sheikh Abdulkadir oo munaasibada hadal kajeeediyey ayaa dowlad goboleedyada dalka ugu baaqay in ay diyaariyaan xarumnihi ay kahowl gali lahaayeen macalimiintan oo dowlada soomaaliya bixin doonto mushaarkoda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdulahi Abdulkadir Nor