Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ee DFS ayaa manta oo Jimco ah waxaa ay faafisay Jadwalka rasmiga ah ee lagu geli doono imtixaanka qaran ee dugsiga sare 2024/2025 kaasoo billaaban doona 14-ka bisha June.
Warqadda jadwalka imtixaanka oo lagu faafisay bogga Facebook ee wasaaradda ayaa lagu qoray ‘’ Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxa ay halkan ku shaacineysaa jadwalka lagu gali doono Imtixaanka Qaranka, Sannad dugsiyeedka 2024/25’’.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali