Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, ayaa si rasmi ah u bilowday qaabilaadda ardaydi ku hartay Imtixaankii Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025.
Qaabilaadda ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta soo codsaday in loo hubiyo maadooyin gaar ah ayaa ka bilaabatay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada galmudug.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda, sida daahfurnaanta leh ee waraaqaha ardayda loogu hubiyey, iyagoo sheegay inay ku qanceen natiijooyinka loo soo bandhigay.
Waxaa soo jeedineysa: Sacdia Abdulkadir Yusuf.