Wasaaradda waxbarashada Galmudug oo digniin adag u dirtay Maamulada Iskuulada.

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in qaar ka mid ah maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ay si toos ah ama si dadban uga qayb qaateen qishka imtixaannada shahaadiga ah ee fasallada 8aad iyo 12aad.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in falalkan ay yihiin dembi culus oo dhaawacaya hufnaanta nidaamka waxbarashada, caddaaladda ardayda iyo sumcadda guud ee nidaamka waxbarasho ee dalka.
Wasaaraddu waxay si adag ugu digtay dhammaan shaqsiyaadka lagu hayo eedeymahan.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here