Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayay natiijada imtixaankii laga qaaday macalimiinta ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacalinta Soomaaliya.
In ka badan 2,764 ayaa u soo gudubtay imxaanka wareysiga ee afka, waxana imtixaanka u fadhistay markii hore 6,150 macallin oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada dalka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi