Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug oo sheegtay in Cudur cusub lagu arkay Geela deganada Galmudug.

0
59

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Galmudug, Dr, Suleymaan Maxamed Saalax oo lahadlay Radio Daar-Dheer ayaa sheegay in ay heleen cudur ku dhaca geela kaas oo horey uga jirin degaanada Galmudug iyo gudahaan dalka balse dhanka Itoobiya uga soo gudbay Galmudug sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug.
Dhinaca kale Agaasime Suleymaan ayaa ugu baaqay xoola dhaqatada degaanada Galmudug ay dhaqatiir kala tashtaan dawooyinka ay siinayaam xoolahooda.
Deeganada Galmudug ayaa caan ku ah dhaqashada Xoolaha sida ariga, Geela, iyo lo’da.

Waxaa warkan faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here