Wasaradda Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda WFP oo kulan ka yeeshay kahortagida Nafaqo darradda

0
65

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wafdiga oo uu horkacayey Madaxa Xafiiska Hay’adda WFP uqabilsan Galmudug Mohamed Nurediem ayna qeyb ka ahaayeen Iskuduwaha Gargaarka ee Xafiiska WFP Somalia Andrea Berardi iyo Xubno sare oo ka socday Hay’adda WFP ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kulan kula yeeshey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Abdiweli Abdullahi Jama oo uuna qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Mudane Abdirahman Mohamed Dirie (Makaawi) iyo madaxda iyo howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Kulanka ayaa waxa looga wada Hadley Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda WFP, Wax ka qabashada Xaaladaha Nafaqo darro ee kajira Deeganada Galmudug gaar ahaan degmooyinka aan wili helin daryeel Cafimaad.

Warbixintan waxaa inoo soo jeedineysa-Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here