Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegey in Wasaradda waxbarashada ay waddo qorshayaal lagu kordhinaayo tiradda ardeyda wax baraneysa si meesha laga saaro inay jiran caruur badan oo heerka waxbarashada gara balse aan wax baran xiligan la joogo .
Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa sheegey in tababar la siindoono macalimiinta wax ka dhiga iskuuladda gaarka loo leeyahay madaba ay kaliin muhiim ah ka qaatan hormarinta waxbarashada dalka.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulkadir Yusuf