Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad-goboleedka Galmudug Shariif Abdinuur Barre ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu horumarinayo adeega xanaaneynta xoolaha, iyada oo ballan qaaday inay deeganka Olol ka hirgalin doonto xarunta daryeel Xoolaha si loo helo Xoolo caafimaad qaba .
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadidda nolosha dadka xoolo-dhaqatada ah iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Xaruntan la qorsheynayo in laga dhiso Olol ayaa lagu wadaa inay bixiso adeegyo ay ka mid yihiin daryeelka Xoolaha.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf