Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Cabdi Maxamed Jaamac”Waayeel”wasiirka wasaarada arimaha gudaha Galmudug oo magaalada Dhuusamareeb caasimada Galmudug kula hadlay warbaahinta ayaa kubaaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Laba-galle oo kamida deegaanada hoostaga degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud taasi oo dad kor udhaafaya 10qof ay kudhinteen kuwa kalana ay kudhaawacmeen.Dhanka kale dowlad goboleedka Galmudug ayaa ciidamo iskugu jira kuweeda iyo kuwa federaalka ee kahowlgala Galmudug udirtay deegaanka Laba-galle si ay ukala dhexgalan dadka walaalaha ah ee halkaas isku horfadhiya.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad.