Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo Muqdisho uga qayb galay shir looga hadlayo Dad-dhigista iyo Tirakoobka

0
35

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel), ayaa ka qaybgalay Kulan Sanadeedka 3-aad ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo diiradda lagu saaray horumarinta dadaallada la xiriira dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday heer federaal iyo dowlad-goboleedyo.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay howlaha dad-dhigista, isagoo tilmaamay in tirakoob sax ah oo lagu saleeyo sharciga dalka uu muhiim u yahay qorsheynta adeegyada bulshada iyo dhismaha dowlad wanaagga.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here