Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay Minna, Carafa iyo hoteellada magaalada Makka ee ay ka dagan yihiin xujayda Soomaaliyeed. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo daryeelka iyo u adeegidda xujeyda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka. Wasiirka ayaa halkaas kula kulmay xujeyda, wuxuuna warbixin ka dhageystay xaaladooda iyo adeegyada ay helayaan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed