Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mohamed Abdi Xayir Mareeye Wasiirka Beeraha iyo waraabka XFS ayaa magalada muqdisho ka daahfuray Mashruuc loogu magac daray Booskaga beer ka sameyso waxaana daahfurka mashruucan goob joog ka ahay wasiirada beeraha dowlad gobleedyada dalka.
Ugu horeyn wasiir mareeye ayaa ka hadlay Mashruucan iyo malaha laga hirgalin doono ee dalka kamid ah.
Dhaqalaha soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah beeraha in kasto beeraleyda soomaaliyeed ay caqabado kala kulmaan abaaraha iyo fadahaada xili robaadka dalka ka dhaca.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor