Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Sanadlaha ah ee dib-u-eegista caafimaadka

0
32

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Qiimeynta iyo Dib-u-eegista Caafimaadka dalka, kaas oo socday muddo saddex cisho ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Maxamed Xasan Bullaale, Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle, Saadaq Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Guuleed Cabdijaliil, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Axmed Maxamuud, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS, xubno sare oo ka socday dowlad goboleedyada, hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, Bangiga Aduunka, GFF, iyo marti sharaf kale.

Waxaa soo jeedineya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here