Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa maanta booqasho ku tagay Cisbitaalka Guud ee Degmada iyo Cisbitaalka Midnimo, Wasiirka waxaa Cisbitaalada kusoo dhaweeyay Iskuduwaha Caafimaafka Gobolka Galgaduud Mudane Mohamed Ismaaciil iyo Iskuduwaha Caafimaadka Dagmada Caabudwaaq Mudane Cabdinasir Cali Jaamac
Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban yahihiin Cisbitaalada sida talaalka,Hooyada iyo dhalaanka,Farmashiga,Emergency-ga iyo qaybaha kala duwan ee cisbitaalada Wasiirka ayaa warbixino ka dhagaystay maamulka Cisbitaalka, dhaakhaatiirta iyo Shaqaalaha Cisbitaalka oo soo bandhigay baahiyaha Caafimaad ee ka jira Degmada caabudwaaq ee gobolka Galgaguud.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo Shir jaraa’id ku qabtay gudaha Cisbitaalka midnimo oo ka mid ah cisbitaalada ugu waa weyn ee bixiya adeegyada Caafimaad ayaa sheegay in la tayayn doono goobaha Caafimaadka Degmada sidoo kalana Hay”adda IRC ay si rasmi uga howlgali doonto Cisbitaalka midnimo bartamaha bisha soo socota
Warkan waxaa soo jeedinaya:-Abdifitah Mohamed Ahmed