Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dadaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali